Deeq A. Posted October 31, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen dedaalo ay ku dhexdhexaadinayaa dowladda iyo Ahlu Sunna. Nabadoonadda ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan in khilaafka labadda dhinac ee dhismaha maamul mideysan lagu dhameeyo qaab nabadoon. Cuqaasha ayaa darafyadda ku tartarsiiyey in ay u turaan danta shacabka iyo dalka, isla markaana meel iska dhigaan dano qaaska ah. Dhinaca kale, kulamo looga hadlayo sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa waxay ka socdaan magaaladda Dhuusamareeb. Shirarkaas ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan go’aano, kuwaas oo ku wajahan xasilinta caasimadda si looga fogaado falalka lidda ku ah nabad-gelyadda magaaladda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites