Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo la dhex-dhexaadinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen dedaalo ay ku dhexdhexaadinayaa dowladda iyo Ahlu Sunna.

Nabadoonadda ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan in khilaafka labadda dhinac ee dhismaha maamul mideysan lagu dhameeyo qaab nabadoon.

Cuqaasha ayaa darafyadda ku tartarsiiyey in ay u turaan danta shacabka iyo dalka, isla markaana meel iska dhigaan dano qaaska ah.

Dhinaca kale, kulamo looga hadlayo sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa waxay ka socdaan magaaladda Dhuusamareeb.

Shirarkaas ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan go’aano, kuwaas oo ku wajahan xasilinta caasimadda si looga fogaado falalka lidda ku ah nabad-gelyadda magaaladda.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this