Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali ku geeriyootay shil ka dhacay Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Uganda (SMN) – Wararka laga helaayo dalka Uganda ayaa sheegaya in laba ruux oo Somali ah ay ku dhinteen shil ka dhacay dalkaasi.

Labada ruux ee Somalida ayaa waxa ay la socdeen gaari nooca raaxada ah, waxaana uu shilkooda ka dhacay deegaanka Mbarara ee duleedka Magaalada Kampala.

Gaariga ay wateen labadan ruux oo xoog u socday ayaa sababay inuu rogmado gaariga, waxaana halkaasi ku dhintay labadii ruux.

Qaar ka mid ah ehelada labada ruux ayaa ku sheegay magacyada dadka dhintay inay kala yihiin Cumar Cigale & Aweys, kuwaasi oo maydkooda la geeyay Kampala.

Xilliga gaariga la rogmanaayay muwaadiniintaan ayaa waxa ay ku socdeen deegaan ay ku nool yihiin dad ay qaraabo yihiin oo booqasho ay ugu socdeen.

Saraakiisha Booliska Uganda ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen kiiska Somalida shilkaan ku dhintay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this