Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgal Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gallo ballaaran ka fuliyay degaanka Baar Sanguuni iyo nawaaxigiisa, halkaas oo ay ku dileen Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this