Deeq A. Posted October 31, 2019 Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah dhalinyaradda Muqdisho ayaa bilaabay olale ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha Webiyadda dalka. Da’yarta oo si iskood ah isku xilqaamey ayaa waxay lacago ka uruurinayaa mehradaha, waratadda iyo gaadiidleyda iyaga oo weydiinaya wuxuu awooda. Mid kamid ah dhalintan oo Shabelle la hadlay ayaa wuxuu ka codsaday dadweynaha in ay ku garab siiyaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen shaqadooda. Roobab xoogan oo qaar kamid ah gobolada dalka ka da’ay ayaa sababay in Webiyada ay butaacaan isla markaana ku fatahaan magaalooyinka. Magaaladda Beledwayne ayaa ah halka ugu daran ee dhibaatadda laga soo sheegayo, iyadda oo ay ku dhinteen tobanaan kuna barakaceen tobanaan kale. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Soofeysane.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites