Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Jubadda Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubaland.

Iska hor-imaadka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ayaa yimid markii ay Al-Shabaab guluf xoogan ku akeysay halkaas.

Al-Shabaab oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay in ay ku dishay shan kamid ahaa xoogaga dowladda, oo dhankooda aan wali war kasoo saarin.

Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid caadi ah, waxaana socda dhaqdhaqaaq ay sameynayaa ciidanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan ah waxay ka fulisaa gobolada dalka, iyadda oo mararka qaarna geysatay khasaaro culus.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this