Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadal lagu sii deynayo Shiikh Mukhtaar Roobow oo u socdo DF iyo Xisbiga Amni iyo Cadaalad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan kamid aheyn Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Shalay looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa sheegay inaysan ka qeyb aheyn madashaad iyagoo arrintaas sabab uga dhigay inuu jiro wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga ayaa sheegay inaysan fikrad ahaan iyo qorsho ahaan qeyb ka aheyn shirkaas looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayna ka cudur daarteen inay ka qeybgaleen.

Sidoo kale Xisbiga ayaa sheegay in Xafladdii caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe lagu casuumay balse aysan ka qeybgelin iyagoo tixgelinayo wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda kaasoo la doonayo in lagu sii daayo hoggaamiyahooda xiran muddo dhawr bil ah.

xisbiga ayaa sheegay in wadahadalkii u socday Dowladda iyo Xisbiga uu hakad ku jiro maadaama uu khilaaf ka dhex jiro Ururka IGAD oo garwadeyn ka ahaa wadahadalkaas sida ay Caasimadda Online u sheegeen xubo ka tirsan Xisbiga.

Xisbiga ayaa dhanka kale xusay inay ka bixi doonaan wadahadalka u socdo iyaga iyo Dowladda haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo bilaabin.

Xisbiga ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan in lasoo daayo hoggaamiyahooda Shiikh Mukhtaar oo lasoo xiray xilligii ay dhaceysay doorashadii Koonfur Galbeed markaas oo ay Dowladda Soomaaliya u aragtay inuu dhibaato ku yahay musharaxa ay wadatay ee Lafta Gareen.

Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo hoggaamiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this