Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Afgaanistaan Ee Ay CIA-Du Taageerto Oo Dambiyo Dagaal Gaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Afghanistan)-Ciidammada Afgaanistaan ee weerrarada qaada ee ay badhitaarto hay’adda sirdoonka Mareykanka ee (CIA) ayaa waxa ay gaysteen tacaddiyo ay ku jiraan dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub.

109464459_tv057291045.jpg

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxa ay ciidammada ku eedaysay “inay gaysteen dil aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale iyadoo aanu jirin wax isla xisaabtan ah”.

Tacaddiyadaas waxaa ka mid ah dil aan kala sooc lahayn, dad la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo weerraro lagu qaaday xarumo caafimaad.

Qaramada Midoobay iyo wargeyska New York Times ayaa hore waxa ay u soo qaadeen eedaha ah in tacaddiyo ay gaysteen ciidammada weerrarka qaada ee Afgaanistaan.

Warbixintan ugu dambaysay ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii bishii Sibteembar ay burbureen wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this