Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhinacyada Ku Dagaalamaya Dalka Suuriya Oo Markii Ugu Horreysay Si Fool Ka Fool Ah Ugu Kulmay Magaalada Geneva

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Geneva)-Dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasada Suuriya ayaa markii ugu horeysay isaga horyimid si fool ka fool ah markii ugu horreysay tan iyo markii dagaalka sideeda sano kor u dhaafay uu ka qarxay Suuriya sanadkii 2011-kii.

1572462651902a5.jpg

Kulanka oo shalat ka dhacay magaalada Geneva ayaa ujaadiisu tahay sidii looga xaajoon lahaa dajinta dastuur Cusub.

Waxaa madasha goob joog ka ahaa 150 xubnood oo ka kala socda dowlada Mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo kulan la qaatay guddiga qoraya dastuurka Suuriya.

Xubnaha gudiga oo ku howlanaa shaqadan inkabadan laba sano ayaa la filayaa in ay u bandhigaan qaabka ay u habeeyeen dastuurka cusub ka hor inta ayna u coddeyn shacabka Suuriya.

Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Geir Pedersen oo ka hadlay madasha ayaa qiray in ayna aheyn wax sahlan in xubnahaan ay qol iskugu wada yimaadaan balse ay hortaalo howl Adag.

Mr Pedersen ayaa intaa ku daray in mustaqbal dalka Suuriya iyo ku xidhan uu gacanta ugu jiro muwaadiniinta Suuriya, balse ay iyagu kaliya ayaa taageeri doonaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this