Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Dadka Reer Somaliland Ugu Baaqay Inay Ka Qayb-galaan Gurmadka Loo Fidinayo Bulshada Ku Tabaalaysan Beledweyne.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku baaqay in dadka Somaliland ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo bulshada ku tabaalaysan fatahaadaha ee Beledweyne.

Qoraal uu arrintan ka soo saaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan sidan:-

Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno.

Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn.

Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this