Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aamo Laga Soo Saaray Nabadeynta Deegaanka Wadajir Ee Gobolka Salel

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddidii Wasiirrada ahaa ee uu dhawaan madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray xalinta shaqaaqadii deegaanka Wada jir ee gobolka Salel ku dhexmartay labada Beelood ee wada dega ayay guddidu go’aamo ka soo saartay shalay.

SHIR-NABADEED.jpg

Sida uu ku soo waramay Wariye Khadar Maxamed Maxamuud (Khadar Quule) oo weftigaas wasiirrada ah noola socda, kulamo goono-gooni ah oo ay guddida Wasiirradu la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood ka dib waxa laysugu yimid shirkii labaad ee lagu xoojinayey adkaynta nabada iyo wada jirka bulshada deegaankaasi ku dhaqan.

waxana laga soo saaray qodobo la xidhiidha arrintaasi waxana warbaahinta ka hor sheegay wasiirka wasaaradda horumarinta BeerahaAxmed Muumin Seed waxayna u dhignaayeen sidan:-

  1. )in Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay muddo 30 cisho gudahood ah ku keenaan gacan ku dhiiglihii.
  2. in Beesha Baha-barceli ee uu ka soo jeedo marxuumkii la dilay oo ay weheliyaan xidhahoodii inay intaas nabada ilaaliyaan oo aanay wax talaabo ah qaadin.
  3. in haddii Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay ku keeni waayaan muddadaas loo qabtay ay arrintaas masuuliyadeeda la wareegi doonaan gudduuiyaha gobolka Salel iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada qaranka JSL.

Sidaas ay xukuumaddu ku heshiisiisay labada Beelood ee walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Wada jir ee gobolka Salel way ku qanceen labada dhinacba sida ay ku soo dhamaatay arrintaasi.

Geesta kale, guddidan wasiirrada ah ee nabadaynta u joogay gobollada Awdal iyo Salel ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Gargaara oo ka tirsan gobolka Awdal waxa soo dhaweyntooda ka qayb qaatay maayarka degmada Lughaya, Cuqaal, Haween Dhallinyaro iyo bulshada deegaankaasi ku dhaqan qaybaheeda kala duwan.

ugu horayna waxa bulshada degmadaas halkaas kala hadlay wasiirka horumarinta caafimaadka Cali Cumar C/laahi oo dadka deegaankaas ku soo dhaweeyey uga mahnaqay sida qiimaha sarasa ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyey inay nabada adkeeyaan meela uga soo wada jeestaan.

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (koore) oo hogaaminaya gudidaas wasiirrrada ah, wuxuuna bulshada ku soo dhaweysay deegaanka gargaara iyo Lughaya kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadgalyada deegaankooda, isla markaana ay muhiim tahay nabada iyo wada noolaanshaha bulshadu.

Odayaashii iyo waxa garadkii deegaankaas ee weftiga wasiirradaha ah soo dhaweeyey ayaa balaan qaaday inay dhinacooda ka shaqaynayaan ilaallinta nabadgalyada, waxay xukuumadda ku amaaneen dedaalka ay ka gashay dejinta arrintaas iyo nabadeynteedaba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this