Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro Ka Socda Somaliland Oo Ka Qaybgalaya Shirweyne Caalami Ah Oo Lagu Qabanayo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan Shirka caalamiga ah ee “Korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)”, kaasi oo la qabanayo 13ka ilaa 15ka Bisha November.

somaliland1.jpg

Wasiirradan shirka ka qaybgalaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.

Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga faa’iideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada JSL ee sii kordhaysa iyo sidii taabogelin lahaa tayada waxarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeen arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan hablaha iyo shaqo abuurka.

“Haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaasi oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta Shirka caalamiga ah ee ‘korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).’

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this