Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DFS oo ku wajahan Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda federaalka ah ayaa ku wajahan magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa qaybtooda ka tirsan yihiin Guddiga Gurmadka Fataahadaha Webiyadda Jubba iyo Shabelle.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeyee, ayaa tilmaamay in ay gaarsiin doonaa gurmad ay xukuumadda ugu talogashay dadkaas dhibaateysan.

Socdaalka wafdiga ayaa imaanaya xili uu magaaladda ka da’ay roob xoogan, kaas oo laga cabsi qabo in uu hakad geliyo isu socodkii garoonka diyaaradaha.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wafdi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this