Deeq A. Posted October 31, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii dalka looga qaadi lahaa xayiraadda hubka, sidda uu sheegay Taliska Booliska. Sakiya Xuseen, taliye ku xigeenka ciidamadda bileyska, ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ahmiyad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sidda ayay ku tartarsiisay in ay door muuqda ka cayaaraan sidii loogu guuleysan lahaa arrintaan. Mid kamid ah shuruudaha lagu xiray in xayiraado la qaado ayay ku qeexday in la helo nidaam hufan oo dhanka maamulka hubka ah. Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan booliska oo ku saabsanaa hanaanka keydinta hubka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DFA-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites