Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmad Maanta La Gaarsiinayo B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiin doonaan gurmad ballaaran oo loogu talogalay dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in maanta gurmadkan uu tagayo B/weyne.

Wasiirka oo ka warbixiyey sidoo kale xaaladda B/weyne ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay aysan jirin xaalad ka daran 24-kii saac ee lasoo dhaafay middii jirtay.

Shacabka B/weyne ayaa u baahan gurmad xooggan, cid walbo oo Soomaaliyeedna waxaa waajib ka saaran u gurmashada walaalahooda ku dhibaateysan B/weyne.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this