Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in saaka gurmad ballaaran la geynayo magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu saaka gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.

Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Hoos ka daawo hadalka wasiir Maareeye

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in saaka gurmad ballaaran la geynayo magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this