Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo U Yeedhay Safiirka Mareykanka Ee Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa maanta u yeedhay safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xidhiidha qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si rasmi ah u aqoonsaday “xasuuqii Armenia”.

C528226E-A4B2-4A50-9C44-29B88C500FEC_cx0

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa sheegay in safiir David Satterfield loogu yeedhay xarunta wasaaradda, sababo la xidhiidha “qaraarkan oo aan lahayn saldhig taariikheed iyo mid sharci toona.”

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa codeyn ah 405-11 waxa uu salaasadii ku ansixiyey qaraarka oo “xaqiijinaya diiwaan-gelinta Mareykanka ee Xasuuqii Armenia.”

Waa markii ugu horreysay ee Aqalka Wakiilada uu ansixiyo qaraar noocan ah, kadib markii marar badan lasoo hordhigay balse lagu guul-darreystay in la meel-mariyo.

Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale meel-mariyey sharci Ankara saaraya cunaqabateyn la xiriirta howl-galkii ay ka fulisay Waqooyiga Syria ee lala beegsaday Kurdiyiinta.

Turkiga waxa ay si xooggan u beenisaa eedeymaha la xidhiidha xasuuqa, waxayna sheegtaa in Armeniyiinta iyo Turkishkaba u geeriyoodeen natiijada dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this