Deeq A. Posted October 30, 2019 Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa maanta guddoonka golaha wakiilada Puntland, ka dalbaday in xasaanada lagala laabto, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo dhowaan Su’aal adag weydiiyey Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana la gaarsiiyey guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanku uu ku xadgudbay shuruucda dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in dacwad lagu soo oogo. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites