Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo gargaar u direyso Beledweyne iyo Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah u direysa maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo,goordhow ayaa lagu wadaa labadaas diyaaradood inay ka duulaan garoonka diyaaraha ee Muqdisho iyaga oo ku sii kala jeeda Baladwayne iyo Baydhabo.

Diyaaradaha Gargaarka saaran ayaa loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato.Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha si ay uga badbaadaan Fatahaadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this