Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer-Ilaalinta Puntland oo dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Daad

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer-Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, ayaa dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.

Qoraal lagu baahiyay bogga Telefishinka dowladda Puntland oo la sheegay in uu ka soo baxay ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha Baarlamanka oo looga dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad-ciqabeed ku saabsan ku xad-gudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu eedeeyay xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne Deni ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland.

Balse, Xeer-Ilaalintu faahfaahin kama bixin dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale wakhtiga la maxkamadaynayo midna.

Hoos ka eeg qoraalka Xeer-Ilaalinta

Dacwad.jpg?w=1000&ssl=1 daac.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xeer-Ilaalinta Puntland oo dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Daad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this