Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Mar Kale Xaqiijiyay In La Diley Ninkii Bedeli Lahaa Abu Bakr Al-Baqdadi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Millatariga Maraykanka ay dileen qofkii lagu waday inuu bedelo hoggaanka ururka IS kadib markii hoggaamiyihii ururkaas Abubakar Baqdadi la diley.

Trump.jpg

Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo daabacay; ”Waxaa goordhow la ii xaqiijiyay in qofkii bedeli lahaa Abu Bakar Baqdadi ay dileen ciidamada Maraykanka.”

Inkastoo aanu magacaabin Donald Trump qofka uu sheegay in la khaarijiyay ayaa hase ahaatee shalay warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in la diley afhayeenkii ururka IS Abu al-Hassan al-Muhajir oo xil sare ka hayay ururka IS.

Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha Maraykanka Trump sheegay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka lagu diley hoggaamiyihii ururka IS Abu Bakar Baqdadi.

Sarkaal sare oo u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in al-Muhajir lagu diley howlgal kale oo gaar ah.

Sidoo kale mas’uul u hadlay maleeshiyada Kurdishka ee YPG ayaa sheegay Axadii in al-Muhajir lagu diley howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ururka Kurdiyiinta iyo ciidamada Maraykanka Waqooyiga Suuriya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this