Deeq A. Posted October 30, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaan dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Dhadajabuuko oo u dhow Libooya. Ugu yaraan illa saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Maxaabiis ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka qofka kale ay aheyd Haweeney ka agdhaweyd goobta. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites