Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   
1-44.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho ” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this