Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday guddoomiyihii hore ee Maxaas iyo xubno kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun adag ku riday eedeysanayaal uu ku jiro guddoomihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale.

Kiiskan oo muddo soo jiitamayey ayaa ku qotomay qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee degmadaasi, marxuum Rashiid Cusmaan Cabdi, kaas oo dhacay 19/04/2019-ka.

Maxkamadda ciidamada ayaa Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ku wada xukuntay dil toogasho ah, halka guddoomihii Maxaas, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale  lagu xukumay xabsi daa’in.

Sidoo kale maxkamadda ayaa intii ay socotay dacwadda loo heystay raggan soo bandhigtay caddeymo iyo codad la duubay oo muujinaya inay ku lug lahaayee qaraxa lagu dilay mas’uulkaasi.

Eedeysanayaashan la xukumay ayaa heysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan Rafcaan, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaliya

Waa markii ugu horreysay oo kiis noocaan ah ay qaado maxkamadda ciidamada, laguna helo dambi dil ah mas’uul sare oo si hoore xiriir ula lahaa kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this