Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxayaal Cadheysan Oo Toogasho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq)-Ciidammada ammaanka Ciraaq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala.

B93D13E4-EC99-4EFC-8B55-241CEA40040D_cx0

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xidhiidh ah.

Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Ciraaq ay shacabka amreen inay iskugu bixi karin waddooyinka, laga billaabo saqda dhexe illaa 6 subaxnimo.

Saddex qof oo kale ayaa Isniintii lagu dilay, ayada oo boqolaal lagu dhaawacay isku dhac dhex maray booliska iyo dibad-baxayaasha.

Tallaabo baarlamanka uu qaaday oo lagu ansixiyey sharci joojinaya mudnaanta iyo lacagaha gunnada ah ee la siiyo siyaasiyiinta sare, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaan waxba ka tarin inuu dejiyo dibad-baxayaasha.

Ardayda iyo dibad-baxayaasha kale ayaa ka carreysan musuq-maasuq lagu eedeeyey dowladda, kobac la’aanta dhaqaalaha iyo adeeg xumada dowladda, inkasta oo Iraq ay qani ku tahay saliidda.

Warreegii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee Ciraq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 86 qof tan iyo Jimcihii. Tiradan ayaa ku kordheysa ku dhowaad 150 qof oo kale oo la dilay horaantii bishan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this