Deeq A. Posted October 29, 2019 Dilka ayaa yimid kadib markii laba nin oo hubaysan ay dhac u gaysteen haweenaydaan oo ay ka qaateen Taleefoonkeedii, kadibna ay ku amreen inay bixiso dahab u xirnaa. Haweenayda ayaa la sheegay inay diiday dahabka in laga furto, waxaana ay la murantay raggii hubaysnaa, iyadoo intaasi kadib xabad ay ku dhufteen dahabkiina ay ka furteen. Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir, waxaana wararka ay sheegayaan inay baxsadeen dableydii falkaasi gaysatay. Ragga dilay haweenaydaan oo la sheegay inay xaamilo aheyd ayaa ahaa labo , sida ay ku warrameen dadka deegaanka. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ku soo badanayey kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya dadka shacabka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites