Deeq A. Posted October 29, 2019 Hoggaanka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saacadihii la soo dhaafay ku kulmay magaalada Dhuusamareeb. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa, si wadajir ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in ciidanka Milatariga laga saaro magaalada, laguna wareejiyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee horay u joogay halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe xiisad u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda ay ka taagneyd magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites