Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaaqadii Ka Dhacday Gobolka Salal Oo La Soo Afjarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Weftigii xukuumadda Somaliland ee Arrinta Nabadeynta ah u joogay degaanka Wada-jir ee gobolka Selal, ayaa guda-galay hawsha bilawga nabadaynta qaar ka mida bulshada degaankaas oo ay dhawaan shaqaaqo dhex martay.

salal.png

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ah guddoomiyaha weftigaas ayaa shalay hadal uu ka jeediyay kulan la isku soo hor fadhiisayay bulshadii shaqaaqadaasi dhex martay, wuxuu ku sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay soo af-jarida dhibaatada degaankaas ka taagan.

Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, Wasiir kuxixgeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar ka mida waxgaradka degaankaas oo halkaas ka hadlay ayaa bulshadaas walaalaha ah u soo jeediyay inay kaalintooda ka qaataan dedaalka ay xukuumaddu wado ee ku saabsan nabadeynta bulshada degaannadaas wada dega. dhaawaca oo ciidanka Booliska ka soo gaadhay weerarkaas ay kooxda dablayda ahi ku soo qaadeen.

Guddoomiyaha gobolka Selal Mawliid Maxamed Nuur, ayaa masuuliyiintaas xukuumadda kubogaadiyey tallaabada nabadeynta ah ee ay u yimaadeen degaanka Wada-jir, waxaanu sheegay in maamul ahaan ka shaqayn doonaan sidii ay u fuli lahaayeen wixii go’aanno ah ee ka soo baxa nabadaynta bulshada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this