Deeq A. Posted October 29, 2019 Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa maanta soo saartay fariin digniin ah oo ku socota shacabka ku dhaqan deegaanada dhaca xeebaha maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gobollada bari ee Puntland ay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan. Wasaaradda oo fariimo taleefanadooda ugu dirtay shacabka ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata dabeylahaasi. “Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka. Si kastaba ha’ahaatee Puntland, gaar ahaan deegaanada ku teedsan dhinaca xeebta ayaa waxaa marar badan ku dhuftay dabeylo geystay khasaare kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites