Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo xukun ku fulisay nin Kufsi geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa maanta xukun jeedal ah ku fulisay nin ay sheegtay inuu kufsi ka geystay deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab ayaa magaca ninkaasi ku sheegtay Xuseen Xeefow Xasan, waxaa la sheegay inuu kufsi kula kacay gabar ka mid ah dadka deegaanka.

Ninkan oo aan hore guur u soo marin ayey maxkamaddu ku xukuntay boqol garbaash iyo hal sano oo musaafurin ah.

Fagaaraha uu ka dhacay xukunka waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno kala duwan ka fulisa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this