Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Faransiiska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Toogasho Ka Geystay Masaajid Ku Yaalla Dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Laamaha Amniga Faransiiska ayaa xabsiga dhigay la tuhme loo haysto in laba nin uu toogasho ku dhaawacay iyaga oo taagnaa afaafka hore ee masaajid ku yaalla dhanka koonfur Galbeed, sida ay booliska Sheegeen.

157229127494c37.jpg

Ninkaan oo 84 jir ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday laba nin oo da’doodu ay tahay 74 jir iyo 78 kuwaasi oo ka hortagay isku day uu ku doonayay in uu dab ku qabadsiiyo masaajidkan ku yaalla magaalada Bayonne.

Dhibanayaasha dhaawaca uu soo gaadhay ayaa la dhigay cisbitaal ku yaalla Agagaarkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay booliska ayaa lagu xaqiijiyay in la tuhmaha oo saarnaa gaadhi lagu qabtay meel u dhow gurigiisa isaga oo wata Qori.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weerarkan balse wasiirka Amniga Faransiiska Mr Christophe Castaner ayaa xaqiijiyay in baadhitaano ay Wadaan.

Hoggaamiyaha xisbiga midigta Marine Le Pen oo marar badan lagu eedeeyay weerarada Muslim naceybka ayaa cambaareysay falkaan.

Waxay sheegtay in weerarkaan uu yahay mid ka dhan ah dhammaan qiimaha nolosha bani Aadamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this