Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la Idaacadda Shabelle ayaa tacsi u diray ehallada dadkii shalay ku dhintay doonti ku degtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dadkaasi oo gaarayey illaa 10 qof, ayna ku jireen mas’uuliyiin ay geeridooda ku reebtay tiiraanyo xoog badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadka kale ee weli maqan.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Muxumed Caraale oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladda adag ee haatan ka taagan Beledweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay, islamarkaana biyuhu ay hal mitir ka sarreeyaan dhulka caadiga ah.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in aan loo kala harin gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira deegaanada maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this