Deeq A. Posted October 29, 2019 Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waare ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Wafdigan ayaa u kuur geli doono xaaladaha ka jira magaaladaasi iyo saameynta ka dhalatay fataahadda wabiga Shabelle. Xaaladda Beledweyne ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana sii xoogeysanaya saameynta ay magaaladan ku yeelatay fataahada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites