Deeq A. Posted October 29, 2019 Kulan Axadii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa looga hadlay sidii loo yaren lahaa isticmaalka waxyaabaha qaraxa iyo ka hortaga miinooyinka oo halis badan ay kala kulmaaan rayidka iyo ciidamada intaba. Tababar ku saabsan halista miinooyinka dhulka lagu aaso oo qaatay labo maalin ayna ka qeyb galeen saraakiil ka socotay UK iyo howlgalka AMISOM aya lagu qabtay Muqdisho. Labada dhinac ayaa sheegay in si wadajir ah ay isaga kaashan doonaan ka hortaga dhibaatooyinka ka dhasha walxaha qarxa. Ugu dambeyn saraakiisha labada dhinac aya sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii dowladda federaalka ah ay uheli laheyd ciidan awood leh oo marka ciidamada AMISOM ay kala wareegaan amniga ka shaqeeya ka hortaga miinooyinkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites