Deeq A. Posted October 29, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka sare ee Kenya u fadhiya dalka Britain ayaa sheegay in dowladdiisa ay wado qorshe Al-Shabaab looga joojinayo lacagaha ay hesho, si loo yareeyo awooda kooxdan iyo weerarada ay fuliso dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Wakiilkan ayaa sheegay in Kenya ay raadinayso taageero caalami ah, si Al-Shabaab looga hor istaago dhaqaalaha ay ku hesho sida dadban, wuxuuna tilmaaamay in saaxibada gobolka iyo kuwa caalamkaba looga baahan yahay inay qaataan doorkooda. Waxa kale uu sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka loo baahan yahay in lala socdo, sida ay ula dagaalamaan lacagaha ay hesho Al-Shabaab, isagoona intaasi ku daray in siyaabaha ay Al-Shabaab dhaqaalaha ku hesho ay qayb ka tahay canshuur ay ka qaadaan ganacsiyada ka jira gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wakiilka Kenya u fadhiya UK ayaa ku baaqay in si wadajir la’isaga kaashado dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay inay qatar ku tahay guud ahaan gobolka. Kenya ayaa horay Qaramada Midoobay uga dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha loogu yeero argagixisada, walow taasi ay ku guul darreysatay, waxaana la sheegay in arrintaasi ay kala aheyd dano gaar ah, maadaama xiisad xoogan oo salka ku heysa muranka Badda ay kala dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya oo ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites