Deeq A. Posted October 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa: 1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) 2.Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka). Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa 28,Oktoobar 2019 ayaa si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan si waaafaqsan Qodobka 45aad ee (1) ee xeer-hosadka Aqalka Sare. Ajanadaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Dowladda. Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta oo u dhacday sid tan; Tirad Ogaalatay 20, senatar, Tirada diiday 10 ,Senatar , Tirada ka amuusay 1, Senatar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites