Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Ergayga ayaa looga hadlay sidii kooxaha Argagaxisada looga hor istaagi lahaa Askareynta Carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.

Virginia Gamba, oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa bogaadisay dedaallada Dowladda ee ku aaddan dib-u-habeynta Ciidanka oo qeyb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda Carruuta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in Dowladdu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto Dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tallaabooyinka loo qaaday xasilinta Dalka, arrinaas oo horseedeysa in Carruunta iyo dhammaan Bulshadu ay helaan nabad waarta.

GAMBO1-1.jpg Gambo2.jpg Gambo3.jpg Gambo4.jpg Gambo5.jpg Gambo6.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this