Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Si Qaawan U Weeraray Wariyeyaal U Baxsaday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cali Ibraahin Baqdaadi guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa eedo culus u jeediyay wariyeyaasha Hadhwanaag ee u baxsaday magaalada Muqdisho iyo waliba mulkiilaha Shabakadda Axmednaasir Jibriil kuwaas oo uu la xidhiidhiyay Alshabaab.

guddoomiye.png


Guddoomiyaha Bangiga ayaa qoraal uu ku faafiyay boggiisa Facebook ku yidhi “Guddoomihahii Hore ee Ururka Solja Xildhiban Cartan iyo Guddoomiye Xuuto oo ka hadlay Caruurta Hadhwanasgnews ee isu dhiibay Dawladda Itaalka daran ee Farmajo. Warar kale waxay sheegayaan inay ku jiraan aaga ay ka tiliyaan Al- Shabaab .Waxa xusid mudan inuu Mulkiilaha Hadhwanaagnews Axmed Nasir Jibril, ku dashay kuna barbaaray magaaladda Baidhaba , Gobolka Bakool, halkaaso kusoo barbaaray jawi colaadeed iyo mooriyaanimadii 1990’S.”

Wariyeyaasha Hadhwanaag oo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Somaliland uga carareen caddaalad darro kadib markii ay ku war heleen dacwad ay dhibane ka yihiin guddoomiyaha Baanka iyo madaxweynuhu, islamarkaana aanay maxkamaddaha Somaliland ka filanayn caddaalad.

baqdaadi.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this