Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Masjid ku yaalla Faransiiska oo rasaas lagu furay iyo qarax xigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (Caasimada Online) – Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay meel u dhow masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay.

Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah.

Faah-faahin dheeri ah naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this