Deeq A. Posted October 28, 2019 Agaasimaha wasaaradda warfaafinta maamulka HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey khasaare ka dhashay dooni saaka ku degtay Beledweyne, taas oo ay saanyeen mas’uuliyiin kala duwan. Kumliye ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 7 qof oo ay ka mid yihiin Dahabo Xasan oo aheyd la-taliyaha dhinaca haweenka Madaxweynaha HirShabelle, Sharmaarke oo ka tirsanaa maamulka Beledweyne, Deeqo u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa doonidaasi qalibantay laga soo badbaadiyey duqa Beledweyne Safiyo Sheekh Xasan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax. Mas’uuliyiintan ayaa u jeedkoodu ahaa inay soo qiimeeyaan saameynta fatahaada wabiga Shabelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites