Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirakadda Dhaweeye oo Abaalmarisay Shaqaalihii Iyo Darawaladii Ugu Mudnaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Shirakadda Dhaweeye oo Abaalmarisay Shaqaalihii Iyo Darawaladii Ugu Mudnaa.

Munaasibad lagu abaal marinayay macaamiisha ku xidhan shirkada dhaweeye iyo darawaliinta shirkadaasi ayaa lagu qabtay magaalada hargaysa. Munaasibadan oo maamulka sare Ee shirkada dhaweeye soo qaban qaabiyeen ayaa ahayd mid lagu muujiyanayo muhimada shaqaalaheeda iyo macaamiisha ku xidhan Munaasibada abaal marinta ah waxa ka soo qayb galay wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland maxamuud xaasho wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada hinda gaani Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland ahmed yaasiin Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland sahal maxamed Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland Dhamaan masuuliyiintan ayaa ku dheeraday adeega dhaweeye iyo faa,idooyinka uu bulshada ku dhaqan somaliland u hayo waxa ayna ka markhaati kaceen in xiligii ugu haboona adeegani dalka yimi isla markaana ka shaqeeyay Wasiirka Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada ayaa ka hadashay doorka ganacsiga ee hablaha iyo faa,idada shirkada dhaweeye u leedahay shacabka somaliland “Awal hore ganacsatadu xaga raga ayay u badan jirtaye hada xaga hore in dumar dhalinyaro ah fadhiyaan aad baan ugu faraxsanahay waxaan qabaa sadex shay oo dhaweeye leeyahay in umadeena oo dhami u baahan tahay Marka kowaad dhanka shaqo abuurka ganacsigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha shaqo abuurka keena Marka labaad waxa ay door wanaagsan ka qaateen amaanka waddanka qaybta u danbaysa sidii loo helay dhaweeye waxaan qabaa in la helay gacan aamin ah” Wasiirka Shaqo gelinta Marwo Hinda Gaani Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland ahmed yaasiin ayaa isna ku dheeraaday kaalinta uu bulshada ugu jiro adeega dhaweeye “Waxa dhaba in adeega dhaweeye aanu ka shaqayn Karin meel aan dawladnimo kala danbayn iyo midnimo aan lahayn Waxaan aad ula dhacsanahay ikhtiraaca cusub ee maamulka shirkada dhaweeye la yimi oo ah mid caalamka casriga ah la jaanqaadaya” Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland ayaa sheegay inuu shirkada dhaweeya aad ugu jecel yahay doorkeeda amaanka “Anigu waxaan aad ugu jeclaystaa amaanka meel kasta oo qof la geynaayo haduu helayo meel uu ku amaan helayo oo naftiisi iyo maalkiisi ba amaan ku helayo wax ka wanaagsan ma jiraan shirkada dhaweeye waa wax marka aad dalbato ba aad helayso waxaan leeyahay adeeg wanaagsan baa soo kordhiseen maamulkii shirkadan hal-abuurkooda dalka keenay”Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland ayaa isna ka markhaati kacay kaalinta dhaweeye kaga jiro amaanka iyo hufnaanta shaqo “Dhaweeye wuxu ka shaqeeya amaanka waa adeeg xiliga doonto helayso waana hal-abuur cusub ee dalka shaqaale badan ka faa,idaysteen inay ka shaqeeyaan” Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland Ugu danbeyn waxa munaasibada shirkada dhaweeye ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi cabdi oo ku dheeraday qiimaha adeega dhaweeye “waxaan ka markhaati kacaynaa in adeegani bulshada ku soo kordhiyay wax weyn oo ka maqnaa adeeg kasta oo bulsho u yimaada waxa uu samayn ku yeesha siday ay bulshadu ugu baahan tahay kuma yeesho saamayn faa,idada adeegu doonayo waayo cida ka jawaabaysaa waa bulshada waxaan leeyahay adeegani wuxuu ahaa mid loo baahna horumarka wadankana qayb ka qaadanaya Faa,idooyinka faraha badan ee gudoomiyuhu ka waramayay ama farax ka warramaysay dartii ayaynu u danaynaynaa berigii aan wasiirka duulista ahaa waxaan xasuustaa sidaan dhaweeye ugu baahnayn dad baa qurbaha kai man jiray oo garoonka ka soo dega waxay u baahan yihiin gawaadhi qaada waxaa nagu soo noqon jirtay cabasho ah gaadhigii I qaaday lacag badan buu iga qaaday 100 doler 200 oo doler marka uu dhigo ayaa ugu danbaysa waayo qofkani qurbaha ayuu ka yimi nidaamka wadanka waxba kalama socdo waxaa iman jiray alaabta uu kaga tago inuu waayo waxaa iman jiray gaadhiga oo jidka kaga jaba dawladuhu hal-abuurka lacag ayay ku bixiyaan waan bogaadinayaa dhaweeye” Wasiirkii Hore madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi Munaasibadan abaal marinta macaamiisha dhaweeye iyo darawaliinta gaadiidka shirkada ayaa la gudoonsiiyay hadyado kala duwan oo isugu jira mobile iyo hadyado kale oo qaali ah waxaana macmiisha shirkadu la dhacsanaayeen qaabka shirkadu u danaynayso isla markaana abaal marinta ugu garatay Maamulka shirkada dhaweeye ayaa sidoo kale fariin farxad ah u gudbiyay shacabka somaliland waxaana ay sheegeen in adeega shirkadu u haysay macaamisha dalka ay qiimo dhimis ku samaysay isla markaana hada laga dhigay 4000 kun oo shilinka somaliland ah

75398414_454427918522847_812851708134057 73342368_527283438103697_129088687504044 75456848_2403368806596449_11815856610738 75462337_421087502124450_140628450732094 72899671_504531893461737_702602720727741
73321102_473127809959582_787290940416353

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this