Sign in to follow this  
Deeq A.

Finland Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Lacag Gaadheysa 8.9 Milyan Oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa ku dhawaaqday inay $ 8.9 milyan deeqay Soomaaliya, iyadoo loo sii marinayo Bangiga Adduunka.

Fil-750x430.jpg

“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaadhan ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaadhsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yidhi Danjire Eric Landberg, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Finland.

Sidoo kale, Danjire Eric Landberg, ayaa sheegay in Dowladda Finland ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira, islamarkaana ula jaanqaadi lahayd horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Hague Riedel, oo ah Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yidhi “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this