Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday dhaqameed caan ahaa oo lagu dilay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dil ka geysatay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Odayaasha degmadaasi oo gaarayey 25 ay ugu yeereen Kunyo-Barow, kadibna ay dileen mid ka mid ah, sida aan xogta ku helnay.

Odayaasha ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen deeq gaar gaar oo dhowaan laga qeybiyey Awdheegle oo horay looga saaray Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka marxuumka, mana jiro weli wax hadal ah oo soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this