Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin laga soo badbaadiyay doon ku rogmatay fatahaadda webiga Shabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   
la-badbaadiyay.jpg?w=1000&ssl=1Mas’uuliyiinta laga soo badbaadiyay doonta rogmatay

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in duqa degmada Beledweyne, Safiyo Xassan Sheikh Cali Jimcaale iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax laga soo badbaadiyay doonni saaka kula rogmatay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne.

Doonta oo ay saarnaayeen dad ku dhow 20 qof, ayaa ku qallibantay fatahaadda webiga shabeelle, xilli ay ku sii jeeday degaanka Ceel-jaalle oo ay ku nool yihiin dad ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne.

Marka laga reebo mas’uuliyiinta la soo badbaadiyay, waxaa jira dad kale oo isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaasi oo saarnaa doonida rogmatay, islamarkaana qaarkood weli la la’yahay, halka qaar kalena la sheegay in ay saran yihiin saqafyada guryaha, kadib markii ay dabaasheen.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa laga soo xigtay in uu socdo gurmad lagu soo badbaadinayo dadkii ka dabaashay doonta ee saqafyada guryaha iyo dhirta saran sidoo kalena lagu baadi-goobayo dadka weli la la’yahay.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin laga soo badbaadiyay doon ku rogmatay fatahaadda webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this