Deeq A. Posted October 28, 2019 Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka oo ka kooban 15 qodob. Qodobada AJandah, waxaa kamid ah daba-galka Heshiisyadii xukuumadda haatah jirta iyo kuwii ka horreeyay ay galeen iyo dib u-habaynta xeerarka u baahan in dib u-eegis lagu sameeyo. Sidoo kale, waxaa ku jira ka doodista xaaladda Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Puntland iyo u yeeridda madaxweynaha & madaxweyne ku xigeenka, si wax looga weydiiyo arrimahaasi. Waxa kale oo Ajandaha ku xusan ka doodista Dastuurka, Arrimaha Federaalka, dhammaystirka maxkamadda Dastuuriga ah iyo dib u-habaynta hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA. La-xisaabtanka xukuumadda iyo xaaladda gobollada maqan ayaa sidoo kale kamid ah qodobada Ajandaha. Hoos ka daawo muuqalka oo dhan PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites