Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jabhad weerar culus kusooo qaaday saldhiga dhexe ee Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorama (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Jabhad ka tirsan kuwa ka jira gudaha gobolkaasi ay weerar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee Boorama.

Weerarkan oo bar-tilmaameedkiisu ahaa saldhigaasi dhexe ayaa waxa soo qaaday ciidamo ka tirsan Jabhada Suldaan Wabar, iyagoona rasaas xoogan ooda kaga qaaday ilaaladii iyoo ciidankii ku sugnaa saldhigaasi, midaasi oo si weyn looga maqlay gudaha magaalada.

Ciidamadaasi weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee Boorama ayaa waxay rabeen in ay saldhiga kala baxaan ragg u xirnaa murano dhul sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Weerarkan oo ahaa mid ay Jabhada Suldaan Wabar soo qorsheysa, ayaa haddana waxa la soo warinayaa inay gacan ka helaysay Jabhad kale oo iyadu muddooyinkii u dambeeyay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal.

Ilaa iyo hadda si rasmiya looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo in uu fulay qorshihii ay ka damacsanaayen ciidamada Jabhadu weerarkooda, balse waxa la sheegaya in uu jiro dhaawac labada dhinac ah.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ah in ciidamada Jabhada Suldaan Wabar ay ku suganyihiin meel u dhow magaalada Boorama, isla markaana ay wadaan dar-dar gelin xoogan oo ka dhan ah dagaalka ay kula jiraan xukuumada Biixi.

Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this