Deeq A. Posted October 28, 2019 (SLT-Nairobi)-Kaluumeysatada ismaamulka Migori ayaa ka codsaday dowladda Kenya inay difaacdo amnigooda iyadoo sannadkii ugu dambeeyay uu sii kordhayo xadhiga iyo ganaaxa ay kala kulmayaan booliska Uganda oo daris wadaag ay yihiin. Arintaan ayaa timid kadib markii Saddex kaluumeysato oo Kenyan ah lagu xidhay Jasiirada Yama ee dalka Uganda kadib markii laga qabtay maalintii Jimcaha iyaga oo ku guda jira howlahooda. Balse dadaalo dheer kadib ayaa lagu sii daayay Saddexdan qof lacag cadadeedu dhan tahay 35,000 oo Kenya ah una dhiganta $300 oo doolarka Mareykanka. Sii deynta kaluumeysatadan ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka xeebaha ee Kibra Joel Maulidi. Source Share this post Link to post Share on other sites