Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo saaka ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay waddada Makka Al-Mukarrama ee M/Muqdisho.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa la sheegay in lagu qariyey meel qashinka la’isugu keeno oo ku taalla isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha mid ka mid ah shirkadaha nadaafada ee G/Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiran dhaq dhaqaaqa halkaasi.

Ma jirto illaa iyo cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay la xoojiyey amniga Caasimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this