Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah odayaasha gobolka Bari oo u mahadceliyay Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxgarad iyo odayaal dhaqameed warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegay in ay mudanayaasha Baarlamanka Puntland uga mahadcelinayaan la xisaabtanka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa bogaadiyay isla’xisaabtan ay sheegeen in xildhibaannada Baarlaamnku ay ku bilaabeen madaxweynaha Puntland,  gaar ahaanna su’aashii furitaanka Baarlamanka lagu weydiiyay madaxweyne Deni iyo sidoo kale xildhibaanadii dhaliilay hoggaamintiisa.

Waxa kale oo ay madaxweynaha Puntland u soo jeediyeen in uu dulqaad u yeeshay la xisaabtanka mudanayaasha Baarlamanka, maadaama ay iyagu wakiil ka yihiin shacab weynaha Puntland oo codkooda ku fadhiyaan, islamarkaana dareenka bulshada matalaan.

Sidoo kale, odayaasha ayaa dhaliilay siyaasadda madaxweyne Deni ee ku wajahan arrimaha gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu iska indha-tirayo cabashada waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bari.

Hoos ka daawo muuqaalka odayaasha

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah odayaasha gobolka Bari oo u mahadceliyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this