Deeq A. Posted October 27, 2019 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale. Mr Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites